CAF QUALIFICATION
The Professional Certificate in Accountancy Foundations (CAF) is an entry-level program designed for individuals who have little or no prior knowledge of accounting and finance. It is intended for candidates who do not meet the minimum entry requirements for the CATT qualification or those seeking to build a strong foundation in accounting principles and practices. The CAF program equips learners with essential knowledge and practical skills in bookkeeping, basic accounting, business communication, and financial literacy, helping them prepare for further professional studies and creating a pathway toward the CATT qualification and career opportunities in accounting and finance.
Who Is the CAF Qualification For?
The CAF qualification is for individuals with little or no prior knowledge of accounting who want to build a foundation in accounting and finance and progress toward professional qualifications like CATT.
Minimum Entry Requirements
There is no prior academic qualification required for the CAF. However, completion of secondary-level studies, at least, is assumed.
Modules of the CAF
2. Foundations in Management Accounting (FIMA) Module: students will be trained on how to provide basic management information. Students will learn how to prepare, process and present basic cost information and management accounting reports to support planning and control decisions in an organizational setting.
- Foundations in Financial Accounting (FIFA) Module: in this course, students will develop an understanding of business transactions, financial documents and how transactions are recorded and maintained using the double-entry bookkeeping system. Candidates will be trained on how to post transactions to ledger accounts and prepare a trial balance. The last activity of the FIFA is to equip students with the knowledge needed to prepare basic financial statements.
Benefits of CAF
- Acquire a professional certificate in accounting from a recognized accountancy body in Somaliland.
- Increase your employability chances with aprofessional certificate.
- A starting point for a career in accountancy or bookkeeping.
Our process in four easy steps
1
Register
Registration is open year-round.
Online and offline registration are available.
2
Book Your Exam
Book your exam and pay exam fees. Exams may be booked at any time online or at ICPAS office. There are three exam sessions per year.
3
Attend The Tutorial Sessions
Join tutorial sessions to receive academic support, guidance, and better understanding of course topics.
4
Prepare For Your Exam
- Attend Tutorial sessions at ICPAS and prepare to pass your exams.
Frequently Asked Questions (in somali)
Waxa loogu talo galay qof doonaya in aasaaska accounting-ka uu fahmo sida qof aan hore u soo dhigan accounting ama beri hore ugu danbeysey.
Wax shahaado ah lagama raba ardayga CAF-ka galaya. Hase ahaate, waxa muhiim ah ardaygu in uu garanayo aqoontii aasaasiga ahayd ee dugsiga sare.
waxa loo baahanyahay in ardaygu soo buuxiyo warqadda codsiga (application form) loogu talo galay barnaamijka oo aad ka helaysid xafiiska ama ku soo buuxin karto online.
Haa. Ardayda dhamaysatay barnaamijka CAF waa ay bilaabi karaan CATT-ka.
Xilliga aad ku dhamayn karto barnaamijkani waxa ay ku xidhantahay waqtiga aad buuxiso shuruudda ku xidhan. Ardaydu waxa ay isku celcelin imtixaanada ku dhamaysaa 5 bilood illaa 7 bilood.
Haa. Tusaale ahaan, ardayda dhigata barnaamijka CAF, waxa ay qaadan karaan hal ama labada course ba ee ay shaahadadani ka koobantahay.
Ardaygu sida uu doono ayuu u kala horaysiin karaa. Waxa aad ku bilaabi kartaa course ka aad doonayso.
Waxa la galaa imtixaanka sannadkiiba saddex jeer, oo kala ah April, August iyo December.
Waxa la dhigtaa bilaha ka horeysa bisha imtixaanka la galayo. Tusaale ahaan, ardayda August dhamaadkeeda imtixaanka galaysaa, waxa ay bilaabayaan tobabarka bisha May.
Waxa la dhigtaa maalmaha Khamiista iyo Jimcaha, waxana lagu dhigtaa Machadka ama building ka ICPAS.
Is diiwaangelinta waxa ay joogsataa bisha ka horeysa bisha tobabarka la bixinayo. Tusaale ahaan, imtixaanada la qaadayo March, waxa ay xidhmaysaa isdiiwaangelintu January dhamaadkeeda. Waxa se aad oogsoonaataa in waqti kaste aad is diiwaan gelin karto. Haddii fadhiga March kaa xidhmo, fadhiga ku xiga ayaad is diiwaan gelin kartaa. Xilliyada is diiwaangelintu xidhmayso waxa aad kala soconaysaa bogaga baraha bulshada ee ICPAS ku leedahay Facebook iyo LinkedIn.
Lacagta ama fees-ka ardayga laga qaado waxa ku jiraa khidmadda tobabarka, khidmadda imtixaanka iyo buugaagta.
Haa. Dib waad ugu noqon kartaa imtixaanka haddii aad ka gudbi kari waydid. Waxa se aad bixinaysaa khidmadda imtixaanka ($30) (re-exam fees). Haddaba, ardayga ka sarreeya 59 se aan gaadhin 70 oo ah calaamada lagu pass-gareynayo, waxa loo ogolyahay in bilaash uu ugu celiyo fadhiga imtixaan ee ku xiga kii uu gudbi kari waayay.
Haa. Imitxaanka ardaygu dib wuu u dhigan karaa haddii uu soo sheego labo usbuuc ka hor waqtiga imitxaanka. Hasa ahaatee, ardaygu dib u dhigasho (rescheduling) ma samayn karo mar wax ka badan.
Haddii aad soo sheegto dib u dhigashada imtixaanka laba usbuuc ka hor (adigoo ku soo sheegaya email ama teleefan), waxa aad soo buuxinaysaa form-ka online-ka ah ee loogu talo galay codsiga dib u dhigashada imtixaanka.
Waxa ay ku xidhantahay xaaladda degdega ah. Waxa keliya ICPAS ogashahay xaaladaha caafimaad, safarada shaqada ee hore aan loo sheegin iyo wixii la mid ah. Ardaygu waa in uu soo buuxiyaa codsiga dib u dhigashada, sidoo kalena soo diraa wax caddaynaya xaaladda degdega ah ee ku timid sida warbixinta dhakhtarka iyo wixii la mid ah.
Waxa aad kaga gudbaysaa haddii aad keento 70% ama wax ka badan (pass mark 70%).
Natiijada imtixaanka waxa ardayda loo dirayaa 21 maalin shaqo gudahood (within 21 working days) marka imtixanaada fadhigu dhamaadaan.
Arday kastaba natiijada imtixaankiisu waxa ay ugu soo dhacaysaa email-ka uu isticmaalo.
Natiijooyinka ICPAS ay ardayda u dirto waxa dib loo eegaa saddex jeer si loo hubiyo saxnaanta iyo in la raacay habraaca sixidda imtixaanka. Hasa ahaatee, waxa ardayga loo ogolyahay in uu cabasho ka soo gudbiyo natiijada usbuuc (week) gudihii marka la sii daayo natiijada. Waxa aanu ku soo saaraynaa go'aan-ka xallinta cabashada muddo aan ka badnayn 21 cisho.
Maya. ICPAS waxa ay kula xidhiidhaa ardayda email. Fadlan hubi lana soco email-ka kuu diiwaan gashan. Haddii emails ka aanad helin, fadlan la soo xidhiidh teleefanka ICPAS 518066 ama +252 63 7755761 xilliyada shaqada. Sidoo kale waxa aad u diri kartaa xafiiska email info@icpasorg.com