Xisaabaadku waa luuqadda ganacsiga. Waa habka lagu cabbiro, lagu diiwaangeliyo, laguna fasiro dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee hay’ad, shirkad ama dowlad. Hase yeeshee, marka aqoontan lagu barto ama lagu sharxo luuqad aan ahayn ta dadku ku hadlaan, waxaa adkaan karta in ardayga, xirfadlaha cusub iyo bulshada guudba ay si buuxda u fahmaan macnaha dhabta ah ee xisaabaadka aqoon ahaan iyo shaqo ahaanba.
Halkaas ayay muhiimaddeedu ka bilaabmaysaa Erey-bixinta ICPAS.
Maxay tahay Erey-bixinta ICPAS?
Erey-bixinta ICPAS waa dadaal lagu mideynayo, lagu nidaaminayo, laguna horumarinayo erayada Af-Soomaaliga ah ee loo adeegsado xisaabaadka,iyo maaliyadda. Ujeeddadu ma aha oo keliya in eray Ingiriisi ah loo helo eray Soomaali ah, balse waa in la dhiso faham xirfadeed oo isku mid ah, si ardayda, macallimiinta, xirfadlayaasha, hay’adaha iyo bulshada guud ay u isticmaalaan luuqad isku mid ah oo la isla fahmi karo.
Tusaale ahaan, marka erayada sida asset, liability, equity, revenue, expense, ama financial statement si kala duwan loo tarjumo, waxay abuuri karaan jahwareer. Laakiin marka la helo erey-bixin mideysan, waxaa fududaanaya waxbarashada, iyo ku shaqaynta xirfadda xisaabaadka.
Maxay ka beddelaysaa dhigashada Xisaabaadka?
Waxay fududaynaysaa fahamka ardayda
Ardayda barata xisaabaadka ee wax ka dhigata wadanka, waxa ay wax ku bartaan luuqada Ingiriisiga iyaga oo aan fahmin seeskii hoose. Mararka qaarkood, caqabadda ugu weyn ma aha xisaabaadka laftooda, balse waa fahamka erayada iyo macnaha ay xambaarsan yihiin.
Erey-bixin la mideeyay waxay ardayga ka caawinaysaa inuu fikradda si dhakhso ah u fahmo. Marka erayga xirfadeed lagu sharxo Af-Soomaali sax ah, ardaygu wuxuu helayaa buundo u dhexeysa aqoonta caalamiga ah iyo afka hooyo.
Waxay kor u qaadaysaa tayada waxbaridda
Macallimiinta iyo tababarayaashu waxay u baahan yihiin luuqad cad oo ay ku sharxaan fikradaha xisaabaadka. Haddii macallin kasta uu adeegsado erayo kala duwan, ardaygu wuxuu la kulmi karaa dhib fahanka ah. Laakiin haddii la helo erey-bixin mideysan, waxaa fududaanaya diyaarinta casharrada, buugaagta, imtixaannada iyo agabka tababarka.
Tani waxay xoojineysaa tayada waxbarashada xisaabaadka ee deegaanada Soomaliga lagaga hadlo, gaar ahaan marka la diyaarinayo jiil cusub oo xirfadlayaal ah.
- Waxay isku xidhaysaa aqoonta caalamiga ah iyo baahida gudaha
Xisaabaadku waa xirfad caalami ah. Halbeegyada sida IFRS, IPSAS iyo ISA waxaa lagu diyaariyaa luuqado caalami ah, gaar ahaan Ingiriisi. Si kastaba ha ahaatee, fahamka iyo hirgelinta halbeegyadaasi waxay u baahan yihiin in si habboon loogu sharxo af Soomaali.
Erey-bixinta ICPAS waxay kaalin ka qaadanaysaa in aqoonta caalamiga ah lagu soo dhaweeyo fahamka maxalliga ah, iyada oo aan laga lumin saxnaanta xirfadeed ama macnihii asalka ahaa.
Waxay xoojinaysaa xirfadda xisaabaadka ee Somaliland
Xirfad kasta oo qaan-gaadh ah waxay leedahay luuqad u gaar ah. Horumarinta erey-bixin rasmi ahi waxay muujinaysaa in xirfadda xisaabaadka ee Somaliland ay u socoto heer nidaamsan, tayo leh, oo la jaanqaadaya xirfadaha caalamka.
Marka la mideeyo luuqadda xirfadda, waxaa fududaanaya wada-hadalka u dhexeeya xisaabiyeyaasha, hanti-dhawrayaasha, ganacsatada, jaamacadaha, hay’adaha dowladda iyo bulshada.
- Waxay ka qayb qaadanaysaa wacyigelinta bulshada
Xisaabaadku ma aha aqoon u gaar ah xafiisyada iyo xirfadlayaasha oo keliya. Ganacsade yar, maamule hay’adeed, xubin guddi, arday jaamacadeed iyo muwaadin danaynaya isla-xisaabtan dhammaantood waxay u baahan yihiin faham aasaasi ah oo maaliyadeed.
Marka erayada xisaabaadka lagu sharxo Af-Soomaali saafi ah oo xirfadeysan, waxaa kordhaya fahamka bulshada ee arrimaha maaliyadda, isla-xisaabtanka iyo hufnaanta.
Maxaa laga filayaa?
Erey-bixinta ICPAS waxay u noqonaysaa saldhig muhiim u ah:
diyaarinta buugaag iyo qoraallo Af-Soomaali ah oo xirfadeed;
horumarinta manhajyada xisaabaadka iyo hanti-dhawrka; iyo tayeynta tababarrada;
mideynta erayada lagu isticmaalo jaamacadaha iyo xarumaha lagu barto xisaabaadka;
iyo fududeynta wacyigelinta bulshada ee arrimaha maaliyadda.
Dadaalkani wuxuu u baahan yahay ka qaybqaadashada macallimiinta, xirfadlayaasha, ardayda, hay’adaha waxbarashada iyo daneeyayaasha kale. Erey-bixintu waa shaqo nool oo mar walba u baahan dib-u-eegis, sixid iyo horumarin.
Gunaanad
Erey-bixinta ICPAS waa tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo aqoon xisaabaad oo la fahmi karo, la baran karo, lana adeegsan karo. Waxay fududaynaysaa dhigashada xisaabaadka, waxay tayaynaysaa waxbaridda, waxayna xoojinaysaa xirfadda xisaabaadka ee Somaliland.
Marka luuqadda xirfaddu caddaato, fahamku wuu kobcaa. Marka fahamku kobcana, xirfaddu way xoogeysataa.
ICPAS waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu horumarinayo xirfadda xisaabaadka, hanti-dhawrka iyo maaliyadda, iyada oo xoogga saaraysa tayada, fahamka iyo adeegga bulshada.
Dhawaan website-ka ICPAS kala soco daabaacadda hore ee erey-bixinta ICPAS.